Darsin tahriibayaal ah ayaa ku qarqoomay doonni ku degtay xeebta Liibiya
Ugu yaraan 24 tahriibayaal ah ayaa ku dhintay kaddib markii doonni ay saarnaayeen ku degtay xeebta Liibiya. Tahriibayaasha ayaa waxa ay isku dayayeen in doonni caag ka samaysan ay ugu kala gudbaan Liibiya ilaa Yurub.
Sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunku (IOM), tahriibayaasha oo rag ahaa ayaa intooda badan ka soo jeeday dalalka Masar iyo Marooko.
Dadka ka badbaaday doonta degtay iyo sida oo kale tahriibayaal ku xannibmay laba doonyood ayaa loo qaaday xero ku taalla Liibiya.
Intii u dhaxaysay Janawari iyo Sebtember 2020, ku dhawaad 8,500 oo tahriibayaal ah ayaa lagu celiyay dalka Liibiya. Sida lagu sheegay warbixin dhammaadkii bisha Sebtember ay daabacday hay’adda “Amnesty International”, tobannaan kun oo tahriibayaal iyo qaxooti ah oo ku sugan Liibiya ayaa “ku go’doomay xaaladda qalafsan ee halkaasi ka jirta iyaga oo aan rajo ka qabin helitaanka waddo sharci iyo ammaan ah oo ay ka baxaan”. Warbixintu waxa ay xustay in ilaa 2016-kii, waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ay maamulka Liibiya ka caawinayeen qabashada dadka isku dayaya in ay ka gudbaan Badda Medhiteraniyanka islamarkaana ay dib ugu celiyaan xeryaha Liibiya.
Saf-marka COVID-19 ayaa uga sii daray xaaladda oo tahriibayaal badan ku qasabtay in ay galaan safarka halista ah ee badda iyaga oo raacaya doonyo macmal ah oo aan la isku hallayn karin si ay ug gaadhaan Yurub. Sida ay sheegtay Hay’adda IOM, sannadkan, ku dhawaad 600 oo qof ayaa dhintay iyaga oo isku dayaya inay ka gudbaan Badda Medhiteraniyanka si ay Yurub u gaadhaan. IOM ayaa ka digtay in fayraska Koroona uu “masiibo dhab ah” ku noqon karo 700,000 oo qaxooti iyo tahriibayaal ah oo wakhti-xaadirkan ku nool Liibiya.
TMP_ 18/09/2020
Photo Credit: Shutterstock/Nasib Damlite. Photo Caption: Sinking boat
Share This Article