Qorshaha cusub ee tahriibka Yurub “waxa uu isku dheelli-tira masuuliyadda iyo midnimada”
Midowga Yurub waxa uu qorshaynayaa in uu meel mariyo nidaam cusub oo ka dhaxeeya waddamada xubnaha ka ah kaasi oo ku aaddan tahriibka, si loo maamulo qulqulka tahriibayaasha loo na hubiyo in dalalka xubnaha ka ah ururku ay wadaagaan masuuliyadda magangalyadoonka. “Heshiiska cusub ee tahriibka iyo magangalyadoonka” ee la gudbiyay ayaa waddamada u oggolaanaya in ay aqbalaan tahriibayaasha, ama dadka magangalyada loo diiday ka caawiyaan dib-u-celintooda.
Heshiiska cusubi waxa uu dayactir u noqonayaa sharciga Dublin oo si weyn loo dhalleeceeyay, kaasi oo ku baaqaya in magangalyadoonka loo gacan geliyo waddanka ay markii ugu horraysay soo gaadheen. Ujeedadu waxa ay tahay in la hubiyo in si caddaalad ah magangalyadoonka loogu qaybiyo dalalka ururka ka wada tirsan gaar ahaan waddamada ku yaalla jiidda hore, sida Giriigga iyo Talyaaniga oo tahriibayaasha ugu badani ay ka soo galaan. Heshiiska cusubi waxa uu “dhisayaa kalsooni ka dhaxaysa dalalka xubnaha ka ah” waxa aanu hormuud uu noqonaya “isku-dheellitirnaanta saxda ah ee ka dhaxaysa midnimada iyo masuuliyada” ayaa uu yidhi madaxweynaha Komishanka Yurub.
Heshiiska cusub oo ay soo gudbisay hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, ayaa 27-ka dal ee xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub waxa uu ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan. Qorshaha waxa ku jira;
- Baadhitaan waajib ah oo cusub, kaasi oo khuseeya caafimaadka, jinsiyadda iyo baadhitaanka ammaanka ee galitaanka ka hor
- Hawl-fulinta degddeg ah ee magangalyada xuduudaha oo ku lug leh go’aannada 12 todobaad gudahood iyo in si degdeg ah dib loogu celiyo dalbadayaasha guul-darraystay
- Qaaditaanka Imaatinka cusub
- “Fududaynta” dib-u-celinta- iyada oo la xaqiijinayo in magangalyadoonka dib loogu soo celiyo waddankooda ki oo la matalayo dalalka kale ee diiday magangalyadooda.
- Siinta hawl-gal caawimaad oo degdeg ah
- Waddan kasta waxa si sharci ah looga dalbaday in ay ka qayb qaataan “saamigooda caddaaladeed” iyada oo lagu salaynayo kala badh GDP-ga iyo kala badh tirade dadweynaha.
TMP – 28/9/2020
Photo credit: FrimuFilms. Photo caption: European Union Flags in BrusselsBRUSSELS, BELGIUM – JUNE 22, 2019: Flags of Europe in front of Berlaymont European Commision building at daylight
Share This Article