Todob dal oo Yurub ah ayaa ugu sarreeya Waddamada ugu liita qaabilaada qaxootiga.
Sannadkii 2019, todoba dal oo Yurub ku yaalla ayaa qayb ka noqday toban waddan oo loo aqoonsaday in ay yihiin kuwa ugu yar qaabilaadda tahriibayaasha, sida ay shaacisay xog-ururinta “Gallup”, 23-kii Sebtember. Waddamadaasi waa Waqooyiga Masedonia, Hangeri, Seerbiya, Kroshiya, Boosniya, Hersegofina (Herzegovina), Montenegro iyo Latfiya (Latvia).
Xog-ururintu waxa ay dadka weydiisay aragtida ay ka qabaan tahriibayaasha ku nool waddankooda, waxaana ka mid ah inay noqon karaan dariskooda ama se ay uga guursan karaan qoyskooda. Natiijadu waxa ay caddaysay in ay jirto diidmo caalami ah oo ka dhan ah qaabilaadda tahriibayaasha.
Geesta kale, Kanada, Ayseland(Iceland) iyo Niwsland (New Zealand) ayaa waxa ay ka mid noqdeen waddamada ugu soo dhawaynta badan.
TMP _ 28-9-2020
Photo credit: hydebrink. Photo caption: Hamburg, Germany – September, 8, 2015: Refugee in front of a tent in the Hamburg reception center at the height of the refugee crisis in 2015
Share This Article