Maalin kasta dadku waxa ay qorsheeystaan go’aanno adag oo ay kaga tagayaan dalalkooda hooyo ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyaga oo raadinaya mustaqbal wanaagsan. Khatar badan ayaa naftooda ka soo gaadha iskudayga ay Yurub ku gaadhayaan. Adigu ma ku fkiraysaa in aad tahriibto mise waa aad tahriibtay?  Baro wax badan oo ku saabsan xuquuqdaada sharciga ah […]

Daawo Dhammaan

Tahriibe Neyjeeriyaan ah oo jooga Liibiya ayaa gaas lagu rusheeyay kaddibna dab la qabadsiiyay

Tahriibaha Neyjeeriyaanka ah oo ka sahqaynayay warshad ku taalla Tripoli ayaa waxa nolosha ku gubay saddex nin, sida...

Todob dal oo Yurub ah ayaa ugu sarreeya Waddamada ugu liita qaabilaada qaxootiga.

Sannadkii 2019, todoba dal oo Yurub ku yaalla ayaa qayb ka noqday toban waddan oo loo aqoonsaday in ay yihiin kuwa ugu...

Qorshaha cusub ee tahriibka Yurub “waxa uu isku dheelli-tira masuuliyadda iyo midnimada”

Midowga Yurub waxa uu qorshaynayaa in uu meel mariyo nidaam cusub oo ka dhaxeeya waddamada xubnaha ka ah kaasi oo ku...

Daawo Dhammaan

Waxba ka ma faa’iidin tahriibka sharci darrada ah quus mooyaan e’,” ayaa uu yidhi tahriibe Eriteriyaan ah

Daniel, waa wiil yar oo ka tirsan qaxootiga Eriteriyaanka ah. Sanadkii 2014 ayaa uu ka tagay dalkiisa hooyo si uu u raadsado nolol wanaagsan. Kaddib markii uu muddo ku hakaday xerada qaxootiga ee Adi-Harush, ayaa Daniel waxa uu bilaabay sidii uu u raadin lahaa qaababka uu u dhammaystiri karo riyadiisa tagitaanka Yurub. Bilowgii 2015, Daniel iyo qaar kale oo ku sugan xerada qaxootigu waxa ay go’aansadeen in ay u badheedhaan socdaalka tahriibka halista badan ee Yurub iyaga oo sii maraya lamadegaanka Saxaara iyo Liibiya. Laakiin socdaalku ma uu noqon sidii ay u qorsheeyeen. Soohdinta u dhaxaysa Sudaan iyo Liibiya ayaa Daniel iyo asxaabtiisa waxa ku qabsaday magafayaal kuwaasi oo ka iibiyay budhcad dambiilayaal ah oo u qaaday Liibiya. Daniel waxa uu xasuusan yahay dhacdooyinkii murugada iyo argagaxa badnaa ee uu la kulmay intii uu ku jiray gacanta shabakadda dambiilayaasha ee Liibiya. “Qof kasta waxa uu u nuglaa harraad, gaajo, garaacis ama kufsi,” ayaa uu yidhi Daniel. Daniel int

Tahriibe Soomaali ah oo dib u laabtay kaddib markii uu wax kasta u sameeyay si uu u helo nolol wanaagsan

Sannad kasta, qaxooti iyo tahriibyaal badan oo Soomaali ah ayaa qaata go’aan adag oo ay kaga tagayaan qoysaskooda uguna badheedhayaan halista tahriibka, iyaga oo rajaynaya in ay nolol cusub ka bilowdaan Yurub. Yaasmiin*, oo ka mid ah qaxootiga Soomaalidu waxa ay da’deedu jirtay keliya 26 sano markii ay ka tagtay Itoobiya islamarkaana ay qaadatay go’aanka ay kaga gudbayso Lamadagaanka Saxaara si ay iskugu daydo in ay u gaadho Yurub. Waxa uu ahaa socdaal cabsi badan oo khatar ah. Markii uu dhintay Yaasmiin odaygeedu, waxa ay saaxiibbadeed ku tashkiiliyeen in ay Yurub tagto si ay nolol wanaagsan ugu hesho gabadheeda 9 jirka ah. Yaasiin waxa ay isku dayday in ay ka gudubto Suudaan si ay u gaadho Masar ugu na socdaasho qaaradda Yurub. Laba jeer ayaa la qabtay - markii kowaad waxa ay masuuliyiinta ku qancisay in ay booqanayso ehelkeeda oo Suudaan jooga, mar labaadkii se waxa qabsaday magafayaal. Kaddib markii ay ka gudubtay soohdinta u dhaxaysa Itoobiya iyo Sudaan, Yaa

Daawo Dhammaan