Mustaqbalka carruurta tahriibayaasha ee ku nool Yurub ayaa mugdi ku jira
Sida ay sheegtay Hay’adda Badbaadinta Carruurtu, in ka badan 200,000 oo ka mid ah carruurta aan la wehelin ee shantii sano ee la soo dhaafay magangelyada ka raadsatay Yurub, waxa ay halis ugu jira tacddiyo iyo xad-gudubyo kala duwan. Warbixinta ururka aan dawliga ahayn ee Protection Beyond Reach ayaa lagu sheegay, in in badan oo carruurtan ka mid ahi ay la dhibaataysan yihiin helitaan la’aanta sharciga qaxootiga, iyaga oo ka cabsi qaba in la tarxiilo ama la xannibo. Looma na oggola in ay la midoobaan qoyskooda oo ku nool meelo kale oo Yurub ka tirsan.
Sida ay sheegayso warxibtu, in ka badan 700 oo carruur ah oo ay ku jiraan ilmo yaryar shanti sano ee la soo dhaafay waxa ay ku naf waayeen badda iyaga oo isku dayaya in ay gaadhaan xeebaha qaaradda Yurub.
Geesta kale waxa jira kumanyaal carruur ah oo ku go’doonsan jasiiradaha Giriigga, maadaam qaar ka mid ah dalalka Yurubtu ay xadkooda xidheen sababo la xidhiidha ka hortagga tahriibayaasha iyo saf-marka Koroona. Caruur aad u badan ayaa la ildaran qaraw iyo calaamadaha kale ee dhaawaca-maskaxeed, niyad-jab iyo naftooda oo ay dhib u gaystaan ama halis galiyaan. Waxa ay haayadda samafalku hoosta ka xariiqday in kumanaan caruur oo tahriibayaal ah oo qaarada Yurub ku sugan mustaqbalkoodu mugdi ku jiro.
Warbixinnadii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in carruurta aan la wehelin ay badankooda ka soo jeedaan Badhtamaha Eeshiya iyo Geeska Afrika.
TMP – 18/09/2020
Photo credit: Shutterstock.com/ Sanja Vrzic. Photo caption: Children in transit refugee/migrant camp at the Greek-North Macedonian border.
Share This Article