Tahriibe Neyjeeriyaan ah oo jooga Liibiya ayaa gaas lagu rusheeyay kaddibna dab la qabadsiiyay

Tahriibaha Neyjeeriyaanka ah oo ka sahqaynayay warshad ku taalla Tripoli ayaa waxa nolosha ku gubay saddex nin, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Liibiya ayaa sheegtay in dadka la tuhunsan yahay oo u dhashay Liibiya loo qabtay weerarkaasi.

Ururuka Qurbajoogta Liibiya (NIDCOM) ayaa canbaareeyay weerakaasi iyaga oo ku timaamay “bahalnimo iyo wax aan la aqbali karin” waxaana ay ugu baaqeen masuuliyiinta in ay khaarajiyaan gacan-ku-dhiiglayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa weerakan ku sifaysay ““xadgudub kale oo manco darro ah oo soo noqnoqda kaasi oo ka dhan ah tahriibayaasha jooga waddankaasi.”

Liibiya waxa ay ahayd waddan ay ku negaadaan kumannaan tahriibayaal ah oo ka yimaadda Galbeedka iyo Waqooyiga Afrika.

TMP_ 09/10/2020

Photo credit: Shutterstock/Rhynio Productions. Photo caption: Ignition of match with smoke, isolated on black background