Helitaanka Xogta Rasmiga Ah Ee Ku Saabsan Tahribka

Haddii aad ka fikirayso tahriib, ama aad imika ba tahriib ku jirto, Mashruuca Tahribka
waxa aad ka heli kartaa xog muhiim ah, dhab ah oo bilaash ah. Waxa aannu kuu sheegaynaa khatarta jirta inta aanad bilaabin socdaalka iyo nolosha dhabta ah ee taalla dalalka qaxootiga qaabila. Sidoo kale, waxa aanu kaa caawinaynaa barashada qaxootiga sharciga ah, tababarrada ama fursadaha ganacsi ee dalkaaga hoyo uu dhow.

Way adag tahay in la helo xog run ah oo xaqiiqo ah oo tahribka ku saabsan. Saxaafadda, magafayaasha iyo xitaa dadka bulshadaada kaso jeeda ee tahriibay waxa ay kuu sheegi karaan fikir qaldan oo socdaalka iyo nolosha waddanka cusub ku saabsan. Magafahu waxa uu kuu sheegayaa been si uu macaash u helo. Xaqiiqada ku saabsan qof horay uu tahribayna way is baddali kartaa – waxa la baddeli karaa sharciyada dalalka qaxootiga qaabila, jidka loo marayna halis ayuu noqon karaa.

La taliyayaashayada wadaniga ahi waxa ay taleefan kuugu sheegi karaan xogta dhabta ah haddii aad tahriib qorshaynayso ama aad tahriib ku jirto. Wadahalladani waa kuwo lagu kalsoonaan karo oo sir ah. Sidoo kale macluumaad ayaannu ku soo gudbinnaa bogga Facebooga. Haddii kale fiiri munaasabadaha aan ku qabanayno goobaha ay bulshadaadu dagan tahay inta aanad qaadan go’aanka ugu dambeeya ee tahriibka.

Ololaha Mashruuca Tahribka ee hadda ka socda Itoobiya waxa maalgalisa GFFO.

Cidda Aan Nahay

Ujeedada Mashruuca Tahribka waa soo gudbinta xogta dhan ee dhabta ah ee ku saabsan tahribka, si ay dadka tahriibaya amaba laga yaabo inay tahriibaan ay u qaataan go’aan ka-war-qab leh. Waxa aannu luuqado badan ku bixinnaa macluumaadka iyo wararka hadda socda eek u saabsan tahribka, kaas oo anfacaya dadka jooga waddanka ama socdaalka ku jira. Waxa aannu isticmaalnaa warbaahinno fudud oo ay bulshada laga yaabo inay tahribaan heli karto, islamarkaana saamayn leh. Waxa ka mid ah khadka taleefanka oo tahriibayaashu ay ka wici karaan la taliyaha iyaga oo ku hadlaya luuqaddooda; barta internet-ka oo loo farsameeyay moobaylka gacanta ee casriga ah; warbaahinta bulshada; iyo kulan-macluumeedka loo qabto bulshada wadaniga ah. Mashruuca Tahribka waxa uu ka hawlgalaa Aasiya, Bariga Dhaxe, Afrika iyo Yurub.