Tahriibayaal ku go’doonsanaa Yaman oo ku laabtay Jabuuti
Kumannaan tahariibayaal Afrikaan ah oo ka soo jeeda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya oo ku sugnaa Yaman ayaa lagu qasbay in lagu celiyo dalka Jabuuti, kaddib markii ay ku guuldarraysteen in ay gaadhaan Sucuudiga sababo la xidhiidha xannibaadaha dhaqdhaqaaqa COVID-19 iyo xidhnaanshaha xuduudaha.
Sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunku ee dalka Jabuuti, in ka badan 2,000 oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan carruur ay da’doodu tahay siddeed jir ayaa ka soo laabtay Yaman saddexdii todobaad ee ugu horreeyay bisha Sebtembar 2020.
Tahriibayasha ayaa ay qasab ku noqotay in ay samaystaan doonni macmal ah si ay uga soo laabtaan Gacanka Cadmeed una lugeeyaan saxaraha Jabuuti oo heer-kulkiisu gaadho 40C, kaddib markii ay ku go’doomeen dalka Yaman islamarkaana noqdeen qaar nugul.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in tahriibayaashu ay ahaayeen qaar gaajaysan, daallan oo u baahan gargaar caafimaad markii ay Jabuuti soo gaadheen. Qaar badan oo ka mid ah ayaa lagu qasbay in ay lacago siiyaan magafayaasha oo inta badan kaga taga saxaraha dhexdiisa, iyaga oo aan haysan cunto iyo biyo. Qaar ka mid ah ayaa u dhintay harraad intii ay safarka ku jireen.
Wakhti-xaadirkan, waxa ay tahriibayaashu gargaar aasaasi ah ka helayaan IOM-ta Jabuuti. Waxaana hay’addu ay rumaysan tahay in 14,000 oo tahriibayaal Afrikaan ah oo kale ay hadda ku go’doonsan yihiin Yaman, iyada oo ka walaacsan in qaar kale ay weli isku dayayaan in ay galaan safarka khatarta ah ee Yaman, kuwaasi oo dhalaysanaya halista ka imaanaysa COVID-19.
TMP – 05/10/2020
Photo credit: Twitter(@AbdikerM). Photo caption: Stranded migrants return to Djibouti.
Share This Article