Talyaanigu waxa uu dib u bilaabay masaafurinta tahriibayaasha sharci darrada ah oo uu ku celinayo Tuniisiya

Laga bilaabo badhtamihii bishii August waxaa uu Talyaanigu dib u cusboonaysiiyay masaafurinta qaxootiga sharci darrada ah oo uu ku celinayo Tuniisiya.  Sida lagu sheegay war-bixinnada maamulada, duulimaadyada qorshaysan waxa loo sameeyay jadwal todobaadkii laba jeer ah, iyada oo duulimaad kasta uu qaadayo 80 tahriibayaal ah. Intaas waxa dheer, in Tuniisiya ay go’aamisay in la kordhiyo kooxaha gaaf-wareegga iyo ilaalada ka hawlgasha xeebaheeda.

Tani waxa ay ku timid kaddib heshiis ay wada gaadheen Tuniisiya iyo Talyaanigu, si loo joojiyo tahriibayaasha ku safraya badda Meditereniyanka. Ilaa 16,000 oo tahriibayaal sharci darro ah oo bilowgii sanadka soo gaadhay Talyaaniga ayaa kala badh waxa ay ka yimaaddeen xeebaha Tuniisiya. 

Booqashadii Tuniisiya uu ku tagay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Luigi Di Maio, ayaa caddaysay in Talyaanigu aanu boos u hayn tahriibayaal sharci darro ah. Talyaanigu waxa uu sida oo kale sheegay in uu  hakinayo 6.6 Milyan oo Yuuro oo ah deeq iskaashi oo uu siin jiray mashruuca horumarinta Tuniisiya, haddii aanay qaadin tallaabo lagu joojinayo qulqulka tahriibayaasha sharci darrada ah.


TMP – 01/09/2020

Photo credit: EPA/Carlo Ferraro. Photo caption: Italian authorities escorting migrants onto an airplane in Lampedusa, Italy