Qaramada Midoobay ayaa Yurub ka codsatay in la dejiyo tahriibayaasha la soo badbaadiyay

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR iyo Hay’adda Caalamagi ah ee Socdaalka (IOM) ayaa ka codsaday madaxda waddamada qaaradda Yurub in dekadahooda ay u oggolaadaan soo dejinta tahriibayaasha la soo badbaadiyay. Hay’aduhu waxa ay ku doodeen in jiritaan la’aanta heshiiska dejinta ee gobolku aanu cudurdaar u noqon karin in la diido dadka nugul ee dekadda ku sugan.

Codsiga kadib, madaxda reer Yurub ayaa ka hawulgalay doonta badbaadada, Waardiga Doonta 4, oo ku cabanaysa in ay doonta saaran yihiin 350 qof oo u baahan in loo dejiyo sida ugu dhakhsaha badan. Chris Grodotzki oo kamid ah kooxda badbaadinta ee Waardiga Doonta 4  ayaa yidhi rakaabka la soo samatabixiyay waxa ay “ku xanuusadeen badda, waxa ka muuqday dhaawacyada shidaal gubay jidhkooda, waxa aanay ahaayeen kuwo waeeraray oo fuuq-baxay.”

Maqaal ay soo saareen UNHCR iyo IOM ayaa lagu sheegay: “in waajibka bani’aadantinimo ee badbaadinta nafahu aanu noqonin ganaax ama dhalleecayn.”


TMP_ 14/09/2020

Photo Credit: istock/ Joel Carillet. Photo Caption: An inflatable boat filled with refugees and other migrants arrive on the north coast of the Greek Island of Lesbos.