Giriigga: Kumannaan tahriibayaal ah ayaa ku guryo-beelay kaddib markii dab baabi’iyay xerada Moria.
Gebi ahaan 13,000 oo tahriibayaal ah ayaa hadda hoy la’aan ah kaddib markii dab si xawli ah ku socdaa uu baabi’iyay xerada tahriibayaasha ugu weyn Yurub oo ku taalla jasiiradda Lesbos ee dalka Giriigga.
Siddeeddii bisha Semtembar ayay ahayd markii uu dab qabsaday xerada Moria oo loogu talo galay dad aan ka badnayn 3,000 oo qof. Dadka xerada degganaa ayaa la qaxay wixii ay haysteen, halka qaarkood ay ku neef-qabatoomeen qiiqa dabka.
Inkasta oo aanay weli caddayn cidda dabka qabadsiisay xerada, haddana Michalis Fratzeskos oo ah ku xigeenka duqa ee ilaalinta dadka rayidka ah ayaa xaqiijiyay in dabkauuu ahaa mid la soo qorsheeyay.
TMP_ 11/09/2020
Photo credit: Shutterstock/Tolga Sezgin. Photo caption: Thousands of refugees and migrants are trying to enter Greece through the country’s eastern land border with Turkey. 30.02.2020 Edirne
Share This Article