Baddelka Nabdagalyada iyo sharciga ah ee Soomaalida
Sanad walba, kumanaan dad ah ayaa isku daya in ay u hijroodaan waddamo kale iyaga oo aan haysan dal-ku-gal sharci ah ama ogolaansho. Qaar badani kama war qabaan dhaqaalaha, kharaska jidheed iyo ka nafsadeed marka ay dooranayaan tahriiibka sharci darrada ah. Halka qaar kale ay khasaariyaan lacag iyo wakhti, qaarkood ayaa wajaha farxaumayn iyo tacadi, qaar kale na waxa ay ku naf waayaan inta ay jidka ku jiraan.
Ma tahay qof isku dayaya in uu ka tago Soomaaliya ama Itoobiya kaasi oo u socda waddan kale si uu ugu noolaado ama uga shaqaysto isaga oo aan wadan dal-ku-gal sharci ah, mase garanaysaa qof sidaas raba? Haddii ay sidaa tahay, akhri jiheeyahan si aad u raadiso macluumaad badan oo ku saabsan baddelka Safer, oo ay ku jiraan helitaanka qaxooti sharci ah iyo fursado shaqo oo dalkaaga ka jira.
Inta badan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub (EU) waxa ay qayb ka yihiin qorshaha lagu magacaabo Kaarka Buluugga ah ee Dal-ku-galka Shaqo ee Midowga Yurub oo ujeedadiisu tahay in lagu bartilmaameedsado xirfadlayaasha hibada leh ee ka soo jeeda dalalka kale.
Shakabadda Kaarka Buluugga ah ee Midowga Yurub waxa ay isku xidhaa shaqaalaha leh xirfadda sare eek a soo jeeda dalalka ka baxsan EU iyo shirkadaha reer Yurub. Haddii shaqo lagu siiyo waxa aad xaq u yeelan kartaa in aad dalbato Kaarka Buluugga ah ee EU. Xaq-u-yeelashadu waxa ay ku xidhan tahay khibradaada shaqo iyo heerka waxbarashadaada.
Dadka haysata Kaarka Buluugga ah ee EU waxa loo ogolaadaa gelitaan iyo deganaansho taasi oo la macne in ay si nabadgalyo iyo sharci ah ugu safri karaan EU. Waxa jira xaalado badan oo ay ku keeni karaan qoyskooda ama ay ku dalban karaan deganaansho rasmi ah muddoo cayiman kaddib.
Tahriibayaashu waxa ay u safri karaan Yurub haddii ay helaan shaqo taasi oo ay ku helikaraan dal-ku-gal shaqo. Shaqooyinkani waxa ay u baahan yihiin.xirfado khaas ah oo looga baahan yahay dalka deganaanshaha. Inta badan shaqooyinka waxa lagu xayaysiiyaa qaabka online-ka ah waxa aanad ka soo dalban kartaa adiga oo jooga dalkaaga hooyo. Barnaamijka Shaqaalaha Xirfadlayda ah ee Qaxootiga Jarmalku waxa ay u ogolaataa shaqaalaha xirfadlayda ah in ay joogaan Jarmalka oo ay buuxiyaan baahida shaqo ee suuqa. Qayb ka mid ah barnaamijkan, shaqaalaha xirfadlayda ah waxa la siiyaa deganaansho lix bilood ah taasi oo ay wakhti u heli raadinta fursadaha shaqo ee Jarmalka.
Qof kasta oo qorshaynaya in uu u hijroodo ama ka shaqeeyo Jarmalka waxa uu halkan ka baran karaa in badan oo ka mid ah fursadaha iyo shuruudaha. https://www.make-it-in-germany.com/
Inkasta oo Yurub ay goob can ku ah qaabilaadda tahriibayaasha, waxa aad sida oo kale raadsan kartaa shaqo iyo fursado nololeed gobolka gudihiisa ama qaybaha kale ee dunida.
Tusaale ahaan dalka Yugaandha qaxootiga waxa la siiyaa xoriyad dhaqdhaqaaq, adeeg siman oo waxbarasho, daryeel caafimaad iyo adeegyo bulsheed oo aasaasi ah, waxa kale oo la siiyaa xuquuq ay ku shaqaystaan ganacsiga na ku yeeshaan. Tusaale ahaan, hay’adaha aan dawliga ahayn ee Yugaandha waxa ay qaxootiga Soomaalida ah siiyaan fursado tababarro oo khaas ah oo si ay u awoodaan xirfado shaqo iyo in ay suuqa shaqada galaan.
Kanada waxa ay raadinaysaa xannaaneeyayaal xirfad leh. Haddii aad leedahay ugu yaraan hal sano oo xannaanaynta ubadka ee guryaha ah ama aad tahay shaqaale caawiya guryaha, islamarkaana aad buuxiso shuruudaha luuqadadeed iyo waxbarasaho, website-kooda waxa aad ka kartaa sida loo dalbado.
Awstraaliya waxa ay bixisaa dal-ku-galyo jinsi ah oo shaqo iyo kuwo waxbarasho. Halkan waxa kuugu diyaarsan macluumaad ku aaddan shuruudaha iyo marxaladaha wakhtiga ee nooc kasta oo dal-ku-gal.
Afrikaan badan ayaa dal-ku-gal shaqo ka hela Isku tagga Imaaraadka Carabta (UAE) dalalka Khaliijka halkaasi oo ay ka helaan sharci nololeed oo buuxa.
Shaqo abuurka cufan, oo ay maalgaliyaan Baanka Aduunku iyo Midowga Yurub, waxa ay ujeedadiisu tahay in qaxootiga iyo tahriibayaasha Itoobiya jooga loogu abuuro 30,000 oo shaqooyin cusub ah NGO-yada Itoobiya ka hawlgala waxa ay tahriibayaasha ku siiyaan xeryaha qaxootiga iyo xarumaha magaalada ab ba tabarrada farsamada gacanta.Tusaale ahaan NRC, ZOA iyo hay’adda adeegga qaxootiga ee Jesuit waxa ay biyaan tabbaro la xidhiidha biyo-gelinta, cillad-bixinta korontada, birta iyo looxa, dhismaha iyo dawaarka.
Itoobiya, mashruuca ay maamusho UNHCR oo ay maalgeliso dawladda Jarmalka ayaa ay ujeedadiisu tahay kobcinta qaxootiga, siiba xirfadaha cunto karinta, faaradaha iyo farsamada gacanta ee ay suuqa kaga heli karaan shaqo.
Uuruka Shaqaalaha Adduunku isaga oo kaashanaya Wakaaladda Jidadka ee Itoobiya waxa uu tababaraa qaxootiga Soomaalida ah si ay uga qayb qaataan mashaariicda ballaadhan ee Itoobiya.
Kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee Doola Caddo waxa ay qaxootiga Soomaalida ah ee xiisaynaya xirfadaha macalinnimo siisaa tababar. La soo bilaabo 2017-kii 265 qof oo arday ah ayaa ka faa’iidaystay barnaamijkan.
Haddii ay ku aqbasho jaamacad Yurub ku taalla oo aad bixin karto lacagata jaamacadda, waxa aad xaq u yeelan kartaa dal-ku-gal ardaynimo kaasi oo kuu ogolaan kara in aad wax ka barato, ku dalxiisto si qayb ah na aad uga shaqayso Yurub.
Dal-ku-galka Ardayga ee Schengen waxa uu u ogolaadaa ardayda aan Reer Yurub ahayn in ay deganaansho ka helaan dalalka ka tirsan Schengen zone muddo saddex bilood ah. Si aad ugu noolaato ama aad wax uga barato Yurub muddo aad u dheer, waxa aad safaaradaha dalalka ka dalban kartaa deganaansho waxbarasho oo muddo dheer.
Inkasta oo lacagaha ee jaamacadaha Yurub ay qaali karaan, waxa haddana ka qaalisnaan karo kharashaadka tahriibayaasha sharci darrada ah.Qaar ka mid ah jaamacadaha ayaa sidoo kale deeq waxbarasho siiya ardayda hibada leh.
Iyada oo laga duulayo shaci dejiyayaasha dal gaar ah, ku noolaanshaha iyo wax ka barasha Yurub waxa ay ku gaadhsiin kartaa meel munaasib ah waxa aanad dalban kartaa deganaansho rasmi ah.
Haddii aad akaademi ahaan xooggan tahay , laakiin aanad iska bxin Karin lacagta jaamacadda waxa aad ku xisaabtami kartaa in aad dalbato deeq waxbarasho. Tusaale ahaan, Yurub iyo adduunyada waxa ka jira dhowr deeq waxbarasho ah oo Afrikaanka looga talo galay. Baanka Horumarinta Afrika waxa uu deeq waxbarasho siiyaa ardayda hibada leh ee ka soo jeeda dalalka xubnaha ka ah iyo bulshada Muslimiinta ah ee ku nool waddamada aan ka ahayn. Halkan waxa aad ka akhrin kartaa macluumaad badan oo ku saabsan furasadahadeeqda waxbarasho.
Deeqda waxbarasho waxa aadku dalban kartaa dal-ku-galka ardayga taasi oo kaa caawinaysaa in aad ku noolaato dal ka mid ah Yurub oo ay jaamacaddu ku taallo.Xilli go’an kaddib, waxa laga yaabaa in aad dalbato noocyo kale oo dal-ku-gal ama deganaansho rasmi ah.
Sida oo kale waxa jira fursado deeq waxbarasho ah oo aad wax kaga baran karto jaamacadaha ku yaalla Afrika. Tusaale ahaan, Deeqda Waxbarasho ee Midowga Afrika ee Mwalimu Nyerere waxa ay ardayda qaxootiga ah iyo barakacayaasha u ogolaataa in ay wax ka bartaan jaamacadaha sumcadda leh ee Afrika. Akaademiyada Qaxootiga Jarmalka ee Albert Einstein (DAFI) waxa ay siisaa qaxootiga deeq waxbarasho oo ay wax kaga baran karaan jaamacdahaha ku yaalla dalka ay deggan yihiin. Waxaana qayb ka ah lacag la’aan, xaqal-jeeb, qol iyo cunto si ay wax uga abrtaan kulliyadda iyo jaamacadda.
Haddii uu tahriibuhu uu haysto aqoonsi qaxooti ama sharci deganaansho oo rasmi ah oo ku dego dal Yurub ku yaalla, waa suurtagal in loo ogolaado keenista xaas, waalid ama carruur. Halkan ka baro xog badan oo ku saabsan dib-u-midoobidda qoyska.
Magangalyadu waa xuquuq aasaasi ah. Dadka ka waddamadooda uga soo cararay beegsi toos ah ama waxyeelayn darran waxa lagu xeeriyaa ilaalinta caalamiga ah. Si guud, dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo UNHCR waxa ay raacaan sharciyada axdiga Qaxootiga ee Qaramada Midoobay 1951 si ay go’aan uga gaadhaan cidda u qalanta aqoonsiga qaxootiga.Taasi waxa ay la macne tahay in inta badan adduunyada si isku mid ah looga xeeriyo magangalyadoonnimada. Waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxa ay dhisteen Nimaadka isku midka ah ee Magangalyada Yurub. Dalal gaar ah ayaa iyagu na leh sharciyo qaran iyo xeerar ay ku dhigan yihiiin macluumaad faahfaahsan kuwaasi oo ka caawinaya maamullada in ay baadhaan magangalyadoonka. Halkan ka baro wax badan oo ku saabsan waxa ay ka dhigan tahay in la nqodo magangalyadoon. Lifaaqan dhag sii oo akhriso: guidance.
Haddii aad magangalyo ka dalbanayso dal kale, xitaa haddii aanu dalkaasi ku siin ogolaansho aad ku degto, waxa jirta fursada dib-u-dejin laguu gu samayn karo dalka saddexaad halkaasi oo si nabadgalyo ah oo sharci ah aad ugu noolaan karto uga na shaqayasan karto
Dib-u-dejintu waa qaxootiga oo loo gudbiyo dal u ogolaanaya in degaan iyaga oo ka tagaya waddan kale. Halkan waxa aad ka raadin kartaa macluumaad ku saabsan dib-u-dejinta
Dawlado, xarumo gaarka loo leeyahay iyo ururro ayaa maalgaliya dalalka uu tahriibku ku badan yahay,sidaa darteed dadka da’ yarta ahi halis uma geliyaan naftooda si ay u badbaadaan islamarkaana nolol fiican kaga helaan dibadda. Liistadani waxa ay kaa caawinaysaa jihada fursadaha shaqo ee aad kor ugu qaadi karto xaaladdaada nololeed ee dalka hooyo.
Soomaaliya barnaamika Alight waxa kuu ka shaqeeyaa in uu Soomaalida u abuuro 50,000 oo shaqooyin cusub ah, islamarkaana uu soo saaro ganacsi yar yar iyo tababarro farsamada gacanta ah. Bsrnaamijka sookabashada Somaalida waa isagu na maamula fursadaha waxbarasho xirfadaha iyo farsamada gacanta oo loogu talo galay da’ yarta Soomaalida, waxaana uu tababarro siiyaa haweenka nugul si ay u samaystaan ganacsi ay leeyihiin.
UNHCR oo kaashanaysa NGO-yo kale ayaa sameeya tababarro saddex-biloodle ah oo Soomaalida qaxootiga ah ka caawiyo aasaaska ganacsi ay leeyihiin iyo horumarinta nafahooda.
Ururro badan iyo iskaashiyo caalami ah, sida Microsoft iyo Siemens ayaa sida oo kale maamula barnaamijo tababarro xirfadaysan ah oo la siiyo da’ yarta Afrikaanka ah. Halkan ka raadi si aad u hesho khibrad shaqo oo ay ku jiraan huemarin dhaqaale iyo tigoolojiyad.
Dalal badan waxa ka jira barnaamijyo tababar dhinaca tignoolojiyadda beeraha ah kuwaasi oo beeralayda ka caawiya in ay kor u qaadaan dakhligooda. Tusaale ahaa,Baanka Gorumarinta Afrika waxa uu diyaariyaa tartan abaalmarinno la siiyo hal-abuurka xalka u noqon kara horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyogabacsiga beearaha.Tartanku waxa uu u furan yahay qof kasta oo Afrika ku nool oo jira da’da u dhaxaysa 18 ilaa 35 sano.
Halkii lacag lagu khasaarin lahaa socdaal sharci darro ah oo aan lahayn guul damaanad qaad leh, waxa aad maalgashan kartaa kaydkaaga, adiga oo ganacsi ka bilaabaya goobtaada maxalliga ah. Bilowga yari waxa uu inta badan taageero dheeraad ah ka helaa mac’hadyada ganacsiga yar yar, NGO-yada ama dawladaha. Tusaalayaal ku saabsan ilaha taageerooyinka ah ee Geeska Afrika ka raadi halkan iyo halkan.
Waxa jirta tiro sii kobcaysa oo ah fursadaha ganacsiga casriga ah. Dalal oo Afrika ah wax aka jira tartan Coding iyo Programming oo aad si iskaa ah u baran karto lacag la’aan, adiga oo xaadiraya koorsooyinka online-ka ah, sida MOOCs iyo Open Classrooms. Hal-abuurka YouthConnekt ayaa sida oo kale waxa uu da’ yarta Afrikaanka ah ee raadinaya in ay noqdaan shaqo-abuure ama ay ka shaqeeyaan warshadaha tih=gnoolojiyadda uu siiyaa furado waa weyn.
Maraykanku waxa uu dal-ku-gal bakhtiyaa-nasiib ah siiyaa dadka ka soo jeeda dalalka kale ee doonaya in ay Maraykanka ku noolaadaan. Waxa sida oo kale loo yaqaanaa Bakhtiyaa-nasiibka Taysarada Cagaaran, oo dadka ku guulaystaa ay helaan dal-ku-galka qaxootiga kala duwan, kuwaasi oo loo ogol yahay in ay ku noolaadaan Maraykanka kana shaqaystaan.
Ujeedada bakhtiyaa-nasiibku waa in lagu kala saaro dadka qaxootiga ah ee Maraykanka kuwaasi oo dalbanaya dal-ku-galka iyo sakhsiyaadka ka soo jeeda dalalka uu qaxootigoodu uu Maraykanka ku yaraa shanti sano ee la soo dhaafay.Ilaa 20 milyan oo qof ayaa dalbada bakhtiyaa-nasiibka sanad walba, 50,000 ayaa na guulaysta. Waxa jira shuruudo uu qofku ku heli karo dal-ku-galka, sida in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, in uu dhammaystiran yahay heerkiisa waxbarasho iyo in uu hayso heerka khibradda shaqo ee la iska rabo.
Dalbadayaashu waxa in ay ku dalbadaan qaab online ah www.dvlottery.state.gov, halkaasi oo ay ku jiraan macluumaad ku aaddan shuruudaha loo baahan yahay ee lagu heli karo.