Halista Jidh ahaaneed

Tahriibayaasha ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay isku dayaan in ay Yurub ku gaadhaan qaabab tiro badan, sida in ay ku dhuuntaan gawaadhi ama doonyo,taasi oo u nuglaysa in ay soo gaadho dhibaato jidh ahaaneed.


Marinka la isla yaaqaan ee tahriibayaasha Soomaalida ah ee isku dayaya in ay Yurub gaadhaan ay sii maraan waa Itoobiya, kaddib waxa ay qaadaan saxaraha ilaa Liibiya. Intaas wixii ka dambeeya waxa ay isku dayaan in ay jeexaan badda Medhiteraniyanka ilaa Talyaaniga. Jidka baaxaddaas leh, qaar badan oo ka mid ahi waxa ay ku neef-qabatoobaan ama  se ku cabudhaan qiiqa gawaadhida jajaban ee la saaro inta aanu dhammaan safkoodu.

Sanadkii 2018, Itoobiya iyo Suudaan waxa ay ku heshiiyeen in la dhiso ciidan milatari oo isku dhaf ah kuwaasi oo xakameeya xuduudaha labooda isku xidha, si loo la dagaalamo tahriibka iyo argagixisada. Suudaan waxa ay sidoo kale heshiisyo ammaan oo xuduudka ah la leedahay dalalka kale ee dariska, oo ay ku jiraan Liibiya, Jaad iyo Niijer. Tani waxa ay ka dhigan tahay in ay aad u adkaatay gaadhitaanka Yurub ee Suudaan loo sii maro.

Waxa la weriyay in ay xadgudubyo badan la dhibaataysan yihiin kuwa isku daya in ay ku negaadaan dalka Suudaan Tusaalayaasha la wariyay waxa qayb ka ah in magafayaasha Suudaan ay jidh dilaan tahriibayaasha, booliska Suudaan oo laga yaabo in wada shaqaayn la leeyihiin magafayaashu  na ay kufsi u gaystaan. Lifaaqan dhag sii oo akhriso: migrants suffering torture by Sudanese smugglers and rape by Sudanese police

Liibiya waa dal aan xasiloonayn oo kooxaha maleeshiyaadku ay inta badan afduubtaan tahriibayaasha islamarkaana qafaashaan.Kooxaha maleeshiyaadka ahi waxa lagu yaqaan in ay jidh dilaan la haystayaasha oo ay madax-furasho waydiistaan ehelladooda jooga dalkii hooyo.

Tahriibayaal badan ayaa waxa ay sheegaan in aanay qiyaasi rarin rafaadka ay ka la kulmaan Liibiya iyo ka gudubka lamadegaanka Saxaara oo ah qaybta ugu xun ee socdaalka.Daraasad ay Seefar ka samaysay waayo-aragnimada tahrribayaasha soo kabanaya ee galbeedka Afrika ee Liibiya jooga ay ka la badh la dhibaataysan yihiin xadgudub jidheed. Warbixin ay soo saartay Oxfam ayaa lagu sheegay in saddex meelood oo meel ka mid ah tahriibayaashu ay ay la kulmaan jidh-dil iyo khaarajin.

In ka badan 600,000 oo qaxooti ah ayaa sanadkii 2018 ku sugnaa Liibiya. In ka badan 9,000 ayaa lagu hayay xarumaha la aqoon yahay ee lagu hayo dadka, halka kumanaan kale ay gacanta ku dhigeen kooxo hubaysan iyo xero aan sharci ahayn oo uu ku jiro Ururka Caalamiga ah Socdaalka (IOM).

Tahriibyaal tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku hadhay xarumaha lagu hayo tahriibayaasha muddo aad u dheer. Inta ay xidhan yihiin, waxa ay tacadiyo jinsi ah ka la kulmaan waardiyayaasha, sidoo kale waxa xadgudub u gaysta kooxaha hubaysan, shakhsiyaadka khaaska ah iyo magafayaasha, oo ay ku jiraan Liibiyaanka iyo tahriibayaasha kale.

Lamadagaanka Saxaara waa dhul aad u ballaadhan iyo meelo baaxad weyn oo aanay dawladi ka talin, halkaas oo inta badan budhcadda iyo mooryaantu ay ku weeraraan kuna afduubtaan tahriibayaasha islamarkaana ka dhigtaan kuwo ay iyagu leeyihiin.

Socdaalka lamadagaanku waxa uu qaataa todobaadyo. Ciiddu waa mid dhib badan, heer-kulku na aad ayuu sarreeyaa xilliyada maalintii, taasi waxa ay keentaa in mararka qaarkood ay gawaadhidu ku jaboto. Marka uu gaadhigu jabo ama dirawalka la waayo, tahriibayaashu waa ay dhiman karaan, jaagoon karaan, haraadi karaan ama wadnaha ayaa istaagi kara. Si loo kordhiyo macaashka, magafayaashu waxa gawaadhida ka buux-dhaafiyaan in alla inta tahriibayaal ah ee suurtagalka ah, taasi oo xaaladda ka dhigta mid khatar ah.

Tahriibayaasha Soomaalida ee ka gudba saxaruhu waa kuwo aad u nugul, ma aha keliya hab-dhaqanka xun ee magafayaasha oo ku abuura kalsooni ah in la qaabilayo bal se waxa ay u nugul yihiin in la afduubto. Qaar ka mid ah Soomaalida tahriibayaasha ah ayaa madax-furasho ahaan loo afduubay, marar badan oo ka mid ah safarkooda ay Yurub ku gaadhayaan.

Tahriibayaashu waxa ay in badan ka warramaan in ay sii dhaafeen maydad intii ay safarka saxaraha ku jireen, sidoo kale xogo rasmi ah oo tiro badan ayaa sheegaya in boqolaal mayd laga helay Saxaara. Waxaana hubaal ah in ay jiraan tahrribayaal saxaraha ku dhinta oo ka badan ta badda Mediteraniyanka.

Laga soo bilaabo 2014-kii ilaa 16,850 oo qof ayaa ku dhintay iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan Badda Midheteraniyanka si ay u gaadhaan Yurub, sida ay sheegtay IOM. Magafayaashu xitaa waxa ay ka been sheegaan dhererka socdaalka, xaaladda iyo tayada doonta tahriibayaasha. Magafayaashu waxa ay tahriibayasha ku guraan doonyo la buux-dhaafiyay oo halis u ah in ay degaan.

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii la xoojiyay ciidanka ilaalada xeebaha ee Liibiya, tahriibayaasha isku dayaya in ay ka gudbaan Badda Midheteraniyanka, maamulka ayaa joojiyoa ama waxa dib loogu celiyo Liibiya  Intii u  dhaxaysay Janawari 2018-kii ilaa Abriil 2019-kii,in ka badan 16,000 oo tahriibayaal ah ayaa dib loogu celiyay xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay IOM.

Hay’addo bani’aadantinnimo oo tiro badan oo mar qaaday baadi-goob iyo badbaadin ayaa lagu qasbay in ay biyaha iskaga baxaan. Tani waxa ay tahriibayaasha ku reebtay in ay aad u nuglaadaan.

Tahriibayaashu waxa ay inta badan tacaddi iyo xadgudub kala kulmaan magafayaasha inta agu jiro socdaalka Yurub, inta baddana Liibiya. Magafayaashu waxa ay tahriibayaasha u sheegaan been ah in uu safarku aad uga gaaban yahay sida xaqiiqda ah ama in ay ku abuuraan rajo ah in ay nagangalyo ka helayaan Yurub.

Magafayaasha waxa lagu yaqaannaa in ay dadka ka iibiyaan budhcadda ama in ay tahriibayaasha madax-furasho ahaan u afduubaan ama se ay dadka ku qasbaan shaqooyin aanay ogolayn oo aan mushahar lahayn. Afduubka iyo jidh dilku waxa uu u dhacaa si joogto ah si lagac looga helo qoyska jooga dalkii hooyo. Marka uu tahriibuhu ka soo tago xidhiidhka qoyska iyo asxaabta, magafayaashu waxa ay ogaadaan in tahriibuhu uu u nugul yahay xad-gudub.

Magafayaashu waxa ay inta badan dalbadaan lacago badan marxalad kasta oo ka mid ah socdaalka, laakiin haddii tahriibaha lagactu ka dhammaato waxa laga yaabaa in lagu qasbo in uu u shaqeeyo addoon ahaan si uu u lacag u siiyo magafayaasha. Ragga caadiyan waxa laga sugaa in ay ka shaqeeyaan hawl-gacmeed aad u adag, dumarka na waxa inta badan lagu qasbaa in ay jidhkooda ka ganacsadaan. Muuqaal 2017-kii CNN ka samaysay adoonsiga Liibiya, warbixinuhu waxa ay caddeeyeen in magafayaashu ay tahriibayaasha u iib geeyaan suuqyada adoonsiga ee waddanka ku yaalla.

La wadaag