Halista Dhaqaale
Ma la yaaban tahay kharashka ku baxa in la gaadho Yurub marka laga yimaaddo Soomaaliya iyo Itoobiya ee aanad haysan dal-ku-gal? Qiyaas ma leh qiimaha ku baxa tahriibka sharci darrada ah ee lagu gaadho dal Yurub ka tirsan. Cadadka lacagtu waxa uu ku xidhan yahay xaaladaha kala gedisan, sida muddada aad jidka ku jirayso,magafayaasha aad isticmaalayso iyo nooca gaadiidka.
Waxa jira qiime lacag ah oo ay tahriibayaasha maskaxda ku hayaan marka ay ambabaxayaan, laakiin lacagta si waa ay ka badataa sidii ay filayeen marka ay safarka galaan. Tani waxa ay dhacdaa, marka afduubayaashu ay madax-furasho dalbadaan ama tahriibayaashu ay xanuusadaan ee ay u baahdaan gargaar caafimaad.
Haddii aad ku talo jirto in aad si sharci darro ugu tahriibto Yurub, in aad akhrido kharashaadka dhaqaale waxa ay kaa caawinaysaa qaadashada go’aan ka-war-qab leh.
Waraysi uu qaaday Mashruuca Tahriibayaasha ayaa ay tahriibayaashu ku sheegeen in ay bixyaan ilaa 5,400 oo doolarka Maraykanka ah si ay u gaadhana Yurub iyaga oo ka imanaya Geeska Afrika. 1,600 oo doolar ayaa kaga baxaya safarka u dhaxeeya Itoobiya iyo Sudaan,kaddib na waxa ay bixiyaan 1,600 oo kale si loogu tahriibiyo Sudaan ilaa Liibiya. Ugu dambaynta na 2,200 oo doolar ayay ku bixyaan si ay uga gudbaan badda Midhetaraniyanka. Marka ay tahriibayaashu lacagtan bixinayaan ma haystaan damaanad-qaad ah in gaadhaan Yurub. Kuwa Yurub gaadha na waxa ay halis ugu jiraan in la dejiyo ama dib loogu celiyo dalkoodii hooyo.
Waraysi uu qaaday Mashruuca Tahriibayaashu ayaa mid ka mid ah tahriibayaashu uu ku sheegay in socdaalka lagaga yimaaddo Liibiya ee lagaga tallaabo badda Medhitaraniyanku uu ku kaco kharash gaadhay 3,000. Oo doolarka Maraykanka ah. Waxa uu u sheegay Mashruuca Tahriibayaasha in markii uu soo gaadhay Liibiya uu dib ugu laabtay dalkiisa hooyo maadaama aanu bixin karain kharasha badda lagaga tallaabayo.
Tahriibayal badan ayaan ka war qabin kharasha ku baxa safarka Yurub lagu tago. Magafayaashu waxa ay u sheegaan tahriibayasah in jidak Yurub loo maraa uu yahay mid amni ah oo jaban waxaanay u balan qaadaan in ay ka heli doonaan fursado shaqo waddanka ay ku hakadaan.
Magafaayaashu waxa ay ka faa’iidaystaan nuglaanashaha tahriibayaasha inta badda na waxa ay waydiiyaan tahriibayaasha lacag badan in ay ugu kharash gareeyaan cuntada iyo seexadka ama si ay iskaga laaluushaan madaxda. Xaaladaha qaar, tahriibayaasha waxa loo qabsadaa lahayste ahaan waxaan lagu qasbaa in ay bixiyaan lacago madax-furasho ah si ay xoriyad ugu baddeshaan.
Nidaamka bixi-si-aad-u-tagto,oo ah mid ay tahriibayaashu bixyaan hal mar oo ka mid ah safarka ayaa noqday midka ugu caansan. Halkudhegyadan ayaa tahriibayaahsa u nugleeyay in la faraxumeeyo ama tacaddi loo geysto.
Kasakow damaanad-qaad la’aanta ay kala kulmaan wadamada qaabila qaxootiga, waxa hadda na ay tahriibayaashu halis ku bixiyaan kharash. Inta badan waxa lagac looga amaahdaa eheladooda ama waxa loo xaraashaa guryo iyo ganacsi.
Haddii ay tahriibayaashu soo gaadhaan xeebaha Reer Yurub, waxa ay inta badan sii wataan socdaalkooda ay ku gaadhayaan dalka ugu dambeeya ee qaabila. Socdaalka Yurub gudaheedu waa mid qaali ah. Tusaale ahaan, mid ka mid ah tahriibayaasha waxa uu Mashruuca Tahriibka u sheegay in magafayaashu ay ka qaadaan 5,000 oo doolarka Maraykanka ah si ay ugu safriyaan Calais oo Faransiiska ah ilaa Ingiriiska.
Kharashka nololeed ee Yurub ayaa isna ah mid xisaabtiisa leh, waxaan ay aad uga badan yahay mid tahriibayaasha dalalkooda hooyo. Shaqo la’aanta haysata tahriibayaasha sharci darrada ah ee Yurub ayaa aad u sarraysa, sidaa darteed waa ay adag tahay in ay iska bixiyaan kirada marka ay dabaraan kharashaadka nolosha. Inkasta oo tahriibayaasha haysa sharciga aqoonsigu ay ka faa’iidaystaan gargaarka caydha ah oo ka caawiya daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo guryaha,hadda na tahriibayaasha sharci darrada ahi ma helaan caawimaadda noocan ah.
Kharashka aan qiyaasta lahayn ee ee tahriibayaasha sharci darrada ahi ku bixiyaan safarka Yurub ayaa ka dhigan in qaarkood dib ugu soo laabtaan inta aanay gaadhin dalka ugu dambeeya ee ay hiigsanayeen. Marar badan tahriibayaashu waxa ay is arkaan iyaga oo ku xanniban Liibiya, oo aan haysan lacag ku filan oo ay dalkoodii hooyo dib ugu laabtaan. Intii u dhaxaysay Janawari 2017-kii ilaa May 2018-kii,barnaamijka mutadawacnimo ee dib-u-celintu waxa uu caawiyay in ka badan 23,300 oo tahriibayaal ah kuwaasi oo ka soo laabtay Liibiya ilaa dalkoodii hooyo.
Tahriibayaal badan oo kharash gareeyay lacago aad u badan ayaa sidoo kale doortay in ay dib ugu laabtaan dalalkoodii hooyo. Sanadkii 2017-kii dalka Jarmalka waxa si iskood ah uga soo laabatay ilaa 30,000 oo qof oo waddamo badan ka soo kala jeeda. Tani waxa ay ku dhacday maadaama aanay tahriibayaashu ka war qabain xaqiiqada nolosha Yurub ka hor inta aanay u soo qalab qaadan.
Tahriibayaasha ku soo laabanaya dalkooda hooyo kaddib marka ay ku fashilmeen tahriibka sharci darrada ah ayaa waxa ay wajahaan caqabado badan. Qaarkood waxa ay ka qoomameeyaan wakhtiga iyo lacagta ka khasaartay. Qaar kale na waxa ay cadho kala kulmaan qoyskooda iyo bulshadooda . Tahriibayaasha muddada dheer ku maqanaa qurbuha waxa ku adkaata la qabsiga nolosha dalkoodii hooyo.