Halista Haweenka iyo Carruurta

Socdaalka ka soo bilaabma Geeska Afrika ilaa Yurub aad ayuu halis ugu yahay haweenka iyo carruurta Soomaalida ah.

Haween iyo carruur badan oo Soomaali ah ayaa la dhibaataysan xadgudubyo jidheed xilliga safarka, sida jidh dil, kufsi, addoonsi iyo sidoo kale qaabab kale tacaddi nafsadeed ah.

Tahriibka sharci darrada ahi si gaar ah ayuu halis ugu yahay haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed. Magafayaashu waxa ay isku dayaan in ay dumarka ku qasbaan in lacagta iskaga bixiyaan adeegyo ay ka mid yihiin xidhiidho jinsi ah. Daraasad ay 2017-kii samaysay UNICEF ayaa lagu shaaciyay in magafayaashu ay dumarka iyo carruurta ku abuuraan dalanteed ah bixi-si-aad-u-tagto (halka lacagta oo dhammaystiran lagu bixiyo inta dariiqa lagu jiro ama dalka deganaanshaha) inta badanna waa la amaahiyaa, taasi oo u nuglaysa to la faraxumeeyo.

Cilmibaadhistu waxa kale oo ay caddaysay in kala badh dumarka iyo carruurta lagu baadho Liibiya ay la dhibaatoodeen tacadiyo galmo iyo faraxumayn inta ay safarka ku jireen. Haween iyo gabdho badan oo tahriibayaal ah ayaa la lagu mudaa irbadaha uurka lagaga hor tago inta ay joogaan Itoobiya ee aanay ka gudbin saxaraha  maadaama ay halis weyn ugu jiraan in lagu kufsado safarka.

Marka ay Yurub gaadhaan,haween badan ayaa sheega in ay wajaheen farxamumayn aad u daran intii ay joogeen xarumaha lagu negaado, ama meelaha loo hoydo ee ku meel gaadhka ah.

Waxa aan la qeexi Karin baahida gaarka ah ee haweenka nugul ee tahriibayaasha ah. Tusaale ahaan,, haweenka uurka leh waxa ay aad ugu baahdaan in ay helaan daryeel caafimaad iyo shaybaadh joogo ah. Nolosha aan fayo-dhowka lahayn ayaa sidoo kale uga sii darta xaaladda haweenka uurka leh.

Carruurta tahriibayaasha ahi waa kuwa ugu nugul xilliga lagu jiro socdaalka tahriibka sharci darrada ah. Waxa jira kiisas badan oo dhimasho oo la diwaangeliyay, faraxumayn iyo xadgudub carruurta lagu la kaco xilliga lagu jiro safarka Yurub. IOM waxa ay u kuurgashay in ka badan 4,700 oo tahriibayaal jooga Talyaaniga kuwaas oo 77% ay carruur yihiin. Waxa ay sheegeen in loo haystay si aan rabitaankooda waafaqsanayn, inta badan dalka Liibiya. Giriigga, boqolaal carruur ah ayaa lagu hayaa xero boolis iyo goobo negaansho, kuwaasi oo loo la dhaqmo hab-dhaqan aan wanaagsan, sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqda Aadanuhu.

Marka ay carruurtu  gaadhaan Yurub,waxa luma  tiro carruur ah oo aan xad lahayn. Xafiiska Baadhitaannada Dambiyada Federaalka ee Jarmalku (BKA) waxa uu diwaangelyay in in ka badan 3,200 oo carruur qaxooti ahi ay lumen sanadkii 2019-kii. Waxa jira malayaal badan oo ka dayrinaya in carruurtani ay dhibanayaal u noqdaan ururrada dambiilayaasha ah kuwaasi oo u adeegsan kara tacadiyo galmo ama shaqo.

La wadaag