Nolasha Tahriibayaasha Soomaalida ee Yurub
Soomaali badan oo tahriibayaal ah ayaa ka hayaama Geeska Afrika iyaga oo ku sii jeeda Yurub kuwaasi oo rajaynaya in ay dhistaan mustaqbal wanaagsan. Si kasta ba ha ahaatee xaqiiqadu waa mid inta badan ka duwan sidii la filayay,intooda badanna kama war qabaan caqadaha kala kuli karaan u tahriibadda Yurub.
Akhri macluumaad badan oo ku saabsan nolosha tahriibaha sharci darrada ah ama magangaladoonka ah ee Yurub jooga.
Magangalyadoonku waa qof uga cararay dalkiisa tacaddi ama dhibaatooyin halis ah kaasi oo dal kale ka dalbanaya ilaalin caalami ah ama aqoonsi qaxooti. Baro wax badan oo ku saabsab magangalyadoonka iyo weedhaha furaha u ah tahriibka.
Xeerarka magangalyada ee Yurub waa ay kala gedisan yihiin, waxaa na ay ku xidhan yihiin shuruucda waddan walba u degsan. Si kasta ba ha ahaatee, Sharciga magangalyada ee Midowga Yurub waxa uu xeeriyaa in dalalka xubnaha ka ahi ay ilaaliyaan xuquuqaha magangalyadadoonka. Tani waxa ay la macne tahay in qof walba uu xaq u leeyahay magangalyo cadaalad ah waxaa na magangalyadoonka la siiyaa hoy iyo adeegyada aasaasiga ah. Xaaladaha qaarkood, magangalyadoonku waxa la siiyaa foojar laakiin waa ay yar yihiin lacagaha kaashka ahi.
Xeerka Dublin ee Midowga Yurub, waxa uu dhigayaa in magangalyadoonka uu muusliyaddiisa qaadayo dalka uu ugu horraynta soo gaadho ee Yurub. Tani waxa ay ka dhigan tahay in haddii uu soo gaadho dal Yurub ka tirsan oo uu uga gudbo dalal kale, waxa dib loo dib loogu celinayaa dalkii u horraysay ee uu soo gaadhay.Xeerka Dublin waxa uu sida oo kale qeexayaa in magangaladoonka aan la siinayn kala doorasho ah dalka uu rabo ee uu doonayo in magangalyo laga siiyo, ama meesha ay dalka kaga noolaanayaan.
Marxaladaha dalabka magangalayadoonku waxa ay qaadan karaan wakhti dheer. Inkasta oo waddamo badan ay damcaan in in kiisaska ay ku xalliyaan lix bilood gudahood, hadda na muddadu waa ay badataa, gaar ahaan xilliyada ay jiraan dalabyo fara badan.
Dalabyada magangalyadu waxa ay noqon karaan kuwo adag ama isku dhex yaacsan. Inkasta oo dalbadayaasah qaarkood ay guulaystaan, hadda waxa jira qaar badan oo loo diido in la magangaliyo,taasi waxa ay ka dhigan tahay in ay ka baxaan waddanka ay u gudbisteen ilaalinta caalamiga ah. Xaaladaha qaarkood, waxa lagu hayaa xero ilaa inta dib loogu celinayo dalkoodii hooyo. Dadka loo diido magangalyadu waxa ay go’aanka ka qaadan karaan racfaan. Kuwo la aqbalo waxa la siiyaa deganaansho u ogolaanaya in ay shaqaystaan bilo xaddidan ka hor in aan kiiskooda dib loo baadhin.
Tahriibayaasha dhaqaale waxa ay u socdaalaan waddan kale si ay u kobciyaan ganacsigooda. Looma ogolaado magangalyo mana jooji karaan Yurub haddii ay sharci darro ku soo galaan. Tahriibayaal ganacsi oo badan ayaa u socdaala Yurub maadaama ay aaaminsan yihiin in halkaas lacag ka soo helayaan, laakiin waxa ay ku dhibtoodaan shaqo-raadinta si ay iskaga bixiyaan daynta ama ay lacag ugu diraan dalkii hooyo si ay qoysaskooda u taageeraan.
Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku guulaysta in shaqo ka helaan qurbaha, halka qaarkood ay caqabado ka wajahaan suuqa ganacsiga.
Shirkadaha suuqa ee Yurub waa kuwo rasmi ah.Waxa ay ka raban shaqo-doonka dukumentiyo rasmi ah, sida baasaboor, shahaado iyo dal-ku-gal shaqo si ay shaqo u raadsadaan. Waa sharci darro hadii shirkadu ay shaqaalaysiiyaan dad aan haysan ogolaansho shaqo oo sharci ah. Waxa jira xafiisyo u xil saran soo saarita sharciyo lagu xaqiijiyo in shirkaduhu ay shaqaalaysiistaan shaqaale aan haysan dukumentiyo sax ah.
Tirada shaqa la’aanta ee qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa u sarraysa, ha ba u badnaadaan da’ yarta aan lahayn khibrad shaqo, waxbarasho ama shahaadooyin. Inta badan tahriibayaashu ma laha xirfadaha laga ma maarmaanka ku ah shaqooyinka Yurub maadaama ay noocyada shaqooyinku kaduwan yihiin kuwii dalkii hooyo, sida oo kale na shirkaduhu aanay aqoonsanayn shahaadooyinka dibadda. Si shaqo loo helo waxa muhiim ah in la awoodo ku hadalka iyo qoraalka luuqadda dalka.
Inkasta oo mushaharka laga qaato shaqooyinka Yurub uu ka badan yahay midka waddan kasta oo ay tahriibayaashu ka yimaaddeen, hadda na nolosha ayaa qaali ah. Nolol-maalmeedka Yurub, guryaha, gaadiidka iyo cuntada ayaa aad qaali u ah. Tusaale ahaan Qoyska ku nool dalka Ingiriisku waxa ay celcelis ahaan todobaadkii isticmaali jireen sanadkii 2018-kii 730 doolarka Maraykanka ah. Wax badan ka baro dhibaatooyinka dhaqaale ee tahriibka sharci darrada ah.
Sharci Midowga Yurub waxa uu magangalayadoonka siiyaa guryo. Magangalyadoonku waxa ay helaan hoy taasi oo ka khafiifisa cadaadiska dhaqaale, laakiin tahriibayaashu waxa ay inta badan arrintani ka la kulmaan caqabado. Ijnta badan Magangalyadoonka la ma siiyo ikhtiyaar ah meesha loo kaxaynayo, mararka qaarna waxa laga raraa goob ilaa goob kale. Qaar ka mid ah waxa la dejiyaa dhul miyi ah ama meelo ka fog asxaabta iyo qaraabada kula nool waddanka, halka tahriibayaashu aanay helin adeegyadan. Marka magangalyadoonka la siiyo aqoonsiga qaxootiga, loo ma ogolaado in ay ku si jiraan xeryaha magangalyadoonka waa na in ay raadsadaan goob ay ku noolaadaan oo ay iyagu leeyihiin.
Tahriibayaasha sharci darrada ahi uma qalmaan adeegga ah in laga caawiyo guryaha, taasi oo la macne ah in ay iyaga masuuliyadi ka saran tahay raadsashada meel ay ku noolaadaan isla marka ay Yurub soo gaadhaan.Maadaama ay dalal ka mid ah Yurub ku yar yihiin guyo-wadareedyada bulshadu, waxa ay tahriibayaal badani kiraystaan hanti gaar loo leeyahay. Tani waa mid aad qaali u ah, waxa aanay tahriibayaasha ka dhigtaa kuwo u nugul tacadiyada mulkiilayaasha guryaha iska leh oo lacag badan kaga qaada guryo aad u liita.
Tahriibayaal badan ayaa Yurub u mara jid khatar ah oo halis geliya caafimaadkooda iyo ammaankooda. Tahriibayaal badan oo Yurub soo gaadha ayaa u baahan gargaar caafimaad iyo taageero maskaxeed.
Magangalyadoonka iyo tahriibayaasha sharci darrada ahi waxa ay xidh-xidhnaan kala kulmaan helitaanka daryeel caafimaad ee dalal badan oo Yurub ku yaalla. Sida caadiag ah, tahriibayaasha sharci darrada ahi waxa ay helaan daaweyn bilaasha ah keliya marka uu ku dhaco cudur halis ah ama ay naftoodu halis gasho, sida COVID-19.Haddii kale waa in ay lacag bixiyaan si ay u helaan adeeg caafimaad oo qiimihiisu sarreeyo.
Magangalaydoonka uu ku dhaco COVID-19 waa in uu si deg deg ah u helo gargaar caafimaad iyo is-karantiil shakhsi ah si looga hor tago in fayrasku uu u gudbo kuwa kale.
Sida caadiga ah waxarashada jaamacaduha ee Yurub ma aha bilaash. Inkassta oo qaar ka mid ah tahriibayaashu ay helaan dalabka deeq waxabarasho oo jaamacadeed, qaar kale ayaa aan awoodin lacagta badan ee jaamacadaha Yurub. Tani waxa ay ku qasabtaa tahriibaaasha in ay heli waayaan shahaadada iyo xirfadda saxda ah ee loo baahan yahay si ay u helaan mushahar fiican iyo xirfad shaqo oo sarraysa. Waxa aanay kaliftaa in tahriibayaal badani ay heli waayaan lacago oo ay naftooda ku caawiyaan. Wax badan ka baro baddelka sharciga iyo ammaanka ah.
Tahriibayaasha wax ku soo bartay dalkoodii hooyo waxa laga rabaa in ay la yimaaddaan dukumentiyada rasmiga ah ee mac’hadyada akaademiga ah si loo xaqiijiyo in shahaadooyinkooda ay shaqo ku raadsan karaan. Shirkadaha qaar ayaan aqoonsanayn shahaadooyinka dibadda taasi na waxa ay keentaa in tahriibayaashu ay lacag ku bixiyaan sidii ay shahaadooyinkooda ugu turjumi lahaayeen Yurub.
Waxa caqabad noqon karta in lala qabsado bulshada reer Yurub. Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa la qabsada nolosha cusub ee Yurub, halka qaar kale ay dhibaato ku noqoto dhex-gelidda bulshada sababo la xidhiidha dhibaatooyinka dhaqan ama luuqadeed, waxaa na ay keentaa in la takooro. Qoysas badan oo tahriibayaal ah ayay ku adkaataa in ay ku milmaan dhaqanka cusub maadaama ay haystaan dhaqankii dalkooda hooyo.
Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa rajeeya in ay qoysaskooda ay Yurub keenaan marka ay helaan ogolaansho deggenaansho ah. Qaar ka mid ah arjiyada ayaa guulaysta, waxaa na loo gudbiyaa xeerar taxaddar dheeraad ah leh. Wax badan ka baro dib-u-middobidda qoyska.
Qaar ka mid ah tahriibayaasha sharci darrada ah ayaa waxa qabata maamullada Yurub waxaa na ay dib ugu celiyaan dalkoodii hooyo, haddii aanay ahayn kuwo u qalma in magangalyo la siiyo ama aanay haysan dal-ku-gal sharci ah oo ay ku galaan dal Yurub ku yaalla. Tusaale ahaan, dhammaadkii 2018-kii, in ka badan 1000 qaxooti Soomaali ah ayaa laga diiday in la siiyo aqoonsiga ilaalinta waxaa na lagu wargeliyay in ay nabadgalyo ahaan ay u fiican tahay in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.
Dadka dib loo celiyay waa ay ku adag tahay in ay dib u la midoobaan bulshadii dalkooda hooyo, sii ba haddii ay muddo dheer joogeen qurbaha, tahriibayaasha qaarkood na waa la takooraa.
Markii uu guuldarraysto isku dayga tahriibku, waxa ay tahriibayaashu dareemaan fashil. Waxa ay sheegaan in qaraabadoodu ay ka xanaaqaan wakhtiga iyo lacagaha badan ee ay ku khasaariyeen safarka aan guulaysan.