Erayada Furaha u ah hagidda Tahriibayaasha
Waxa jira sababo badan oo dadka ku qasba in ay qaataan go’aan adag oo ay kaga baxaan Soomaaliya. Tusaale ahaan, qaarka mid ahi waxa ay raadinayaan fursado dhaqaale oo wanaagsan halka qaarkood ay rajaynayaan in ay nolol cusub ka abuurtaan Yurub.
Ma ku fikiraysaa in aad tahriibto mise waa bad tahriibtay? Haddii ay sidaa tahay, fahanka erayada furaha u ah tahriibku waxa ay kaa caawinayaan in aad fahanto xuquuqahaaga iyo in aad samayso go’aan wanaagsan oo ka war-qab leh.
Sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalku (IOM), tahriibe waa “qof kasta oo ka gudbaya ama ka gudbay xuduudaha caalamiga ah ama dalka dhexdiisa, isagoo ka tagaya meeshii uu caadi ahaan deggenaa.” Qofka buuxiya shuruuddan waxa loo aqoonsan yahay qaxooti, si kasta oo aqoonsigoodu sharci u yahay, haddii ay iyagu si xor ah u doorteen in ay tahriibiyaan iyo haddii kale ba.
Tahriibaha sharci darrada ahi waa qofka gala waddan isaga oo aan wadan dukumentiyada socdaalka ama dal-ku-gal sharci ah. Si aan loo xidhin ama aan dib logu celin dalkiisii hooyo, waxa uu tahriibaha sharci darrada ahi dalka ka soo galaa meelo ka baxsan dhammaan goobaha baadhitaannada ee xuduudaha sharciga ah ku yaalla.
Dhinaca kale, tahriibaha sharciga ahi waa qofka dal ku soo galay isaga oo wata dhammaan dukumentiyada sharciga ah, oo ay ku jiraan dal-ku-galka iyo ogolaanshiyaha kale ( ogolaansho shaqo, deggenaansho, waxbarasho, iwm). Marka uu tahriibuhu dukumentiyadan la yimaaddo xuduudda, ee ay masuuliyiinta xuduuddu ogolaadaan, waxa ay noqdaan tahriibayaal sharci ah.
Magangalaydoonku waa qofka dalkiisa uga cararay sababo la xidhiidha tacaddi ama dhibaatooyin halis ah kaasi oo waddan kale ka dalbada ilaalin caalami ah ama in loo aqoonsado qaxooti.
Magangalaydoonka waxa lagu ilaaliyaa xeerka Qaramada Midoobay ee Qaxootiga 1951. Xeerku waxa uu muujinayaa in xitaa haddii ay dalka ku soo galaan sharci darro, in magangalaydoonka la siiyo caddaalad iyo xuquuq magangalyadoonnimo si ay nabadgalyo ugu noolaadaan inta ay socoto cabashadoodu.
Haddii la diido codiga magangalaydoonka, waa inay dalka ka baxaan, si la mid ah tahriibaha sharci darrada ah ee aan loo ogolayn in uu dal kale ku negaado.
Qaxootgu waa dadka ka soo cararay isku dhacyada hubaysan ama tacaddiga. Magangalaydoonku waxa uu noqdaa qaxooti la aqoonsan yahay haddii codsigiisa magangalyadoonnimo la aqbalo. Taasi waxa ay la macne tahay in loo aqoonsaday magangalaydoonnimo. Si loogu aqoonsado qaxooti ahaan waa in ay caddeeyaan in ay ku hoos noolaayeen tacaddi ama dhaawacyo halis ah oo loogu beegsanayo qolodooda, diintooda, dhalashadooda, xubin ka noqoshada ururro bulsho ama fikirro siyaasadeed.
Halka magangalayadoonka iyo qaxootigu ay waddankooda uga carareen in ay ka badbaadaan cadaadis, tahriibayaasha dhaqaale waxa ay iyagu dalka uga hijroodaan si ay u kobciyaan dhaqaalaooda. Tahriibayaasha dhaqaale waxa ay si iskood ah u tagaan dal kale si ay kor ugu qaadaan heerka noloshooda. Haddii uu socdaalkoodu sharci darro yahay, tahriibayaasha dhaqaale waa la xidhi karaa waxaana dib loogu soo celin karaa dalkooda hooyo. Xeerka qaxootiga ee QM 1951-dii uma aqoonsana tahriibayaasha dhaqaale magangalyadoon.
Barakacaha maxaliga ah (IDP) waa shakhsi lagu qasbay in uu ka barakaco gurigiisa oo u cararay deegaan ka tirsan isla xuduudda caalamiga ah ee dalkiisa. Had iyo goor, barakaca maxalliga ah waxa keena isku dhacyo hubaysan, ku-xad-gudubka xuquuqda bani’aadamka ama masiibooyin (dabiici ama dad same).
Ereyada tahriibayaasha aan qaan gaadhin, carruurta tahriibayaasha ah, ciyaalka tahiibayaasha ah ee aan qaan gaadhin iyo tahriibayaasah da’da yar waxa inta badan loo adeegsadaa is baddelka ama guud ahaa qaxootiga ay da’doodu ka hoosayso 18 jir kuwaasi oo aan lahayn waalid xannaaneeya ama ilaaliye sharci ah. Xeerka QM ee xuquuqda dhallaanku waxa uu erayga ciyaal ku macnaynayaaa “bani’aadam ay da’diisu ka hoosayso 18 jir.
Maamulka xuduudda waxa looga jeedaa dhammaan siyaasadaha, sharciyada iyo xeerarka kale ee bulshada kuwaasi oo fududeeya ama u adeegga qaxootiga sharciyaysan ( ganacsiga, shaqada, waxbarashada, dib-u-midoobidda qoyska, magangalyadoonka, iwm.) iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee dadka (dalxiiska, booqashada qoyska, shaqada mudaddeedu yar tahay iyo booqashooyinka ganacsi iwm.) kuwaasi oo dalka soo galaya. Masuulyiinta maamulka xuduuddu waxa ay u xil saran yihiin in ay ogaadaan islamarkaana dib u celiyaan soogalootiga sharci darrada ah ee dalka soo galaya.
Ka ganacsiga dadku waa marka qofka si sharci darro ah loogu kaxeeyo meel dalka ka mid ah ama xuduudda looga tallaabiyo ujeeddooyin dhiig-miirasho ah. Qofka waxaa loo tixgeliyaa in uu dhibbane u noqday ka ganacsiga dadka haddii loo hanjabay,la khasbay, la afduubay, la khiyaaneeyey, la shiq-qoolay, lagu xad-gudbay ama tahriibiyayaashiisu ay u ballan qaadeen lacago iyo faa’iidooyin.
Magafannimada/tahriibinta waxa loo la jeedaa falka dadka laga ga caawiyo in ay si sharci darro ah ay xuduudda uga tallaabaan, ma na aha qasab in lagu xad-gudbo, la khasbo ama laga faa’iidaysto. Dadka ay shaqadoodu tahay in ay fududeeyaan xad-ka-tallaabista aan sharciga ahayn, waa dambiilayaal.
Qofka dalkiisa hooyo waa waddanka uucaadiyan ku nool yahay, ha ahaado muwaadin ama mid deggen.
Waddamada lagu hakado waa kuwa ay tahriibayaashu sii maraan si ay ugu gudbaan wadanka degnaanshaha. Maalmo, bilo ama sannado ayay ku hakan karaan mararka qaakood na weligood ba uma gudbaan dalka ay rabeen in ay degaan.
Waddanka degenaanshuhu waa halka ay tahriibayaashu degaan ee uu ku dhammaado socdaalkoodu. Tahriibayaal badan ayaa aan weligood gaadhin waddanka ay rabaan in ay degaan, waxa aanay degaan waddankii ay ku hakadeen ama waxa ay dib ugu laabtaan dalkoodii hooyo.
Sidaa darteed, haddii tahriibaha Soomaaliga ahi uu ka soo baxo Soomaaliya oo uu doonayo in uu ka gudbo badda Medhiteraniyanka si uu u dego Talyaaniga, waa in ay sii dhex maraa Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya. Sida tusaalaha ka muuqata tahriibaha waddankiisa hooyo waa Soomaaliya, dalka uu rabo in uu dego waa Talyaaniga, Waddamada Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya na waa dalalka uu ku hakaday.
Dib-u-laabte waa qofka dib ugu laabtay dalkiisa hooyo tahriibka kaddib. Dib-u-laabashadu waxa ay noqon kartaa ikhtiyaar ama qasab.
Dib-u-laabashada ikhtiyaarka ah waa marka uu tahriibuhu si xor ah ugu noqdo dalkiisii hooyo ama dal kale. Dib-u-laabashada ikhtiyaarka ahi waxa ay noqon kartaa mid madax bannaan ama laga caawiyay. Dib-u-laabashada ikhtiyaarka ahi ee la caawiyay waxa ku jira maamul, gaadiid, dhaqaale iyo caawimaado wada socda oo la siinayo tahriibaha si iskii ah ugu laabanaya dalkiisa.
Dib-u-celinta qasabka ahi waa dib-u-celin jujuub ah oo qofka dib loogu celiyo dalkiisa hooyo ama dal saddexaad. Dib-u-celinta qasabka ahi waa natiijada ka dhalata maxkamadda ama maamulka. Noocyada Dib-u-celinta qasabka ahi wax aka mid ah raafka iyo masaafuriska.
Dib-u-dhoofintu waa xuquuq ay leeyihiin qaxootiga, maxbuuska dagaalka ama la haystuhu in dib loogu celiyo dalkii ay u dhasheen iyada oo loo eegayo duruufo. Sida oo kale waxa qayb ka ah tahriibayasaha iyo shaqaalaha caalamiga ah xilliyada ay jiraan khifaafyo caalimi ah.
Dib-u-dejin macnaheedu waa dib-u-meelayn qofka tahriibaha ah looga sameeyo goob kale. Inta badan dalka saddexaad, si looga ilaaliyo la macaamilka tooska ah iyo xadgudubyada. Dalka looga sameeyo dib-u-dejintu waxa uu inta badan siiyaa xuquuq deganaansho oo muddo dheer ah.